BBC News, Somali - War
BBC News Somali Top Stories
Muxuu yahay heshiiska Dhiibidda eedeysanayaasha iyo dembiileyaasha ee ay Soomaaliya la gashay Turkiga?
Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxay galeen heshiis iskaashi dhanka iweydaarsiga dambiileyaasha, maxaabiista iyo eedeysanayaasha ah.
Maxay tahay cabsida iyo walaaca la soo gudboonaaday madaxda Israa'iil?
Saraakiisha Israel ayaa si isa soo taraysa uga walaacsan in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay qorsheynayso inay u jarto warqad lagu soo xirayo hoggaamiyeyaashooda militariga iyo kuwa siyaasada ee lagu eedeeyay dambiyo dagaal.
Maxay tahay kiimikada halista ah ee loo haysto inuu Ruushku u isticmaalay dagaalka Ukraine
Maaddadan waxay keentaa cuncun sambabada, indhaha iyo maqaarka ah, waxayna sababi kartaa matag, lallabbo iyo shuban , sida ay sheegtay Xarunta Xakamaynta Cudurrada ee Maraykanka ee (CDC).
Qabrigu ma socdee waxaa dumiya socotada
Mid ka mid ah tusaaleyaasha weli la xusuusto waxaa ka mid ah xaafadda ‘If iyo Aakhiro’, ama Xamar bile ee degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir oo ku fadhida qayb ka mid ah qubuuraha Jeneraal Daa’uud, waxaana dawladdii kacaanka ay ku amartay dadka eheladoodu ku aasnaayeen inay kala baxaan
Ninkii kansarka la ildarnaa ee ku guulaystay bakhtiyaa-nasiibka $1.3 bilyan ah
Ninkan ayaa ah qof soo galooti ah oo ka yimid qaaradda Aasiya, wuxuuna sheegay in uu 50% lacagta bakhtiyaa nasiibka siinayo qof ay saaxib yihiin
TOOS, Turkiga oo jaray xiriirkii ganacsi ee Israa'iil kaas oo ku kacayay balaayiin doollar
Tebinta Tooska ah ee BBC Somali
Barxadihii magaalada Muqdisho xagee ku dambeeyeen
Dhulka danta guud oo laga dhigo kuwa gaar loo leeyahay waxay horseedaan in goobaha bannaan ee muhiimka u ah caafimaadka guud iyo fayoobida dadka ay meesha ka baxaan. Dadweynaha waxay weynayaan goobihii dabiiciga taas oo saameyneysa nolosha dadka ku nool magaalada.
Ubax Cabdiraxmaan: "Walaashey Hodon waxay ahayd qof isku kalsoon oo baari ah"
Waxaa maanta magaalada Nairobi gaar ahaa lagu aasay alle ha u naxariistee Hodon Cabdiraxmaan Barqadle oo ahayd gabadh caan ka ah baraha bulshada.
Qiso la yaab leh oo ka soo baxday hogaamiyihii hore ee Al-Qaacida Usama Bin Laden
Sidee dareemi lahayd haddii xilliga cashada uu 'marti' kuu noqdo qofka loogu doonista badan yahay adduunka? Waxaa xusid mudan in dhacdadan ay ku beegnayd sanad ka hor geeridii Usaama Bin Laden xilli uu ku sugnaa magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, oo 300 km oo kaliya u jirta tuulada habeenkaas lagu martiqaaday.
Sababaha keenay in cudurka duumada ee Soomaaliya uu si weyn hoos ugu dhaco
Warbixin ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku guuleeysatay yareynta heerka baahsanaanta duumada oo ahayd markii hore 20.1% sanadkii 2015 taas oo ay ka dhigtay ilaa 4.1% 2023
Muxuu yahay wax ka beddelka ay shirkadda Apple ku sameyneyso taleefannadeeda Iphone
Apple ayaa qiratay in ay jirto cillad u baahan in la xalliyo walow aysan caddeyn taleefannada ay cilladdaasi ku jiro marka loo eego kuwii hore iyo kuwii dambe.
Sida Malaayiin doollar ay dad ajnebi ah uga soo diraan Soomaaliya bil walba iyo dalalka loo diro lacagtaas
Sanad walba dad ajnebi ah oo ka shaqeeya Soomaaliya ayaa malaayiin doolar kasoo dira Soomaaliya
Maqal iyo Muuqaal
Xul
Muxuu salka ku hayaa dagaalka Baladweyne, maxayse yihiin ragga ku dagaalamaya?
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo kala taabacsan Hirshabeelle iyo ciidamo taabacsan koox la magac baxday Hiiraan State oo ku sugan gudaha Baladweyne.
Dal ay Soomaali badan iska dhiibto oo qaadashada baasaboorkisa ku xiray aqoonsiga Israa'iil
Waayadan dambe, dagaalka Qasa waxa uu caqabado aan hore loo arag ku noqday qaar ka mid ah Muslimiinta kunool dalalka Yurub
Muuqaal, Sida wiilkan Soomaaliyeed u hirgeliyay adeeg mobile oo Af Soomaali iyo afaf kale lagu barto
Cabdinur Cali Mahdi, oo bartay cilmiga tiknolojiyadda ayaa hindisay application, barnaamij ku shaqeeya mobileka oo ardayda ka caawinaya inay afkooda hooyo ku bartaan manhajyada iskuulada lagu barto.
Xanuunnada halista ah ee laga yaabo inuu wax ka taro subagga ay Soomaalidu isticmaasho
Subagga loogu isticmaalka badan yahay dhulka Soomaalida waxaa laga soo saaraa caanaha ariga iyo lo’da inkastoo abaaraha saameeyey deegaannada uu yaraaday helitaankiisa.
Waa qoloma Naadiya, Su’aasha ugu badan ee ay Soomaalida maanta isweydinayaan?
Kadib guushii shalay ee Naadiya Maxamed, oo loo doortay duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa arrintaasi mar kale soo shaac baxday.
Ayaan Kaaba iyo jaceylkii ay u tahriibtay: ‘Sababta aan ninkeyga ugu tilmaamay Walaal, Soomaaliduna waa wada sirdoon’
Markii uu soo baxay warka la xidhiidha xaflada arooska Ayaan Kaaba iyo seygeeda Cabdi Daysane toddobaadkii hore ayay dadka internetku adeegsida bilaabeen inay dib u baadhaan xidhiidhka horey uga dhexeeyay lamaanahan cusub.
‘Sida aan kusoo noolaaday ayay i weydiiyaan’: Fanaanadii Waayaha Cusub ee geerideeda la faafiyay oo BBC la hadashay
Muddo ka badan shan iyo toban sano ayaa lagu tirinayay inay geeriyootay Mulki Buraale, oo ah gabadh heesaa ah, oo ka tirsanyd kooxdii Waayaha Cusub ee hormuudka mar u ahayd fanka casriga ah ee Soomaalida
"Faa'iidada" laga helo in lammaanaha ay kala seexdaan labo sariirood
Dhab ahaantii, hurdo la'aantu waxay kordhisaa khatarta ah inaad ku dhacdo xaalado caafimaad oo halis ah, oo ay ku jiraan cayilka, sonkorowga iyo cudurada wadnaha, sida uu qabo Harvard Medical School.
Sida ninkii kalaabyada ka niikin jiray u noqday Sheekh caan ka ah Soomaalida dhexdeeda
Waa mid ka mid ah Culimada Diinta Soomaalida ee doorka weyna ku leh dacwada diinta ee Bariga Afrika,wuxuu lahaa aasaaska mid ka mida Iskuulada Islaamiga ee ugu weyn Kenya gaar ahaan Nairobi.
Israa'iiliyiin ka sheekeeyay yaabkii ay la kulmeen markii ay falastiiniyiintu albaabada ku soo garaaceen
Qaar badan ayaa dhuumanaya, iyagoo sheegaya inay maqlayaan rasaas, halka qaar kalena aysan heli karin dadka maqan.