Qareenada Masar oo ka horyimid dastuurka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 December, 2012, 01:56 GMT 04:56 SGA
Taageerayaasha Mursi

Taageerayaasha Mursi oo ku mudaaharaadaya maxkamada sare horteeda iyagoo u diiday qareenada inay galaan maxkamada si ay go'aan uga gaaraan dastuurka.

Ururka matala qareenada Masar ayaa ku dhawaaqay in qareenada xubnaha ka ah ururka aysan kormeerayn aftida loo qaadaaayo dastuurka qabyada ah laba toddobaad gudahood.

Warbixin ay soo saareen Ururka Qareenada, ayaa timid kadib markii ay iska hor imaadeen maxkamada sare ee Masar iyo taageerayaasha Madaxweyne Maxamed Mursi.

Maxkamada Dastuurka ayaa ku dhawaaqday inay joojinayso shaqadeeda waqti aan go'nayn, kadib markii qareenada maxkamada laga horistaagay inay go'aan ka gaaraan dastuurka ay soo diyaariyeen gudi u badan islaamiyiin taageersan madaxweyne Mursi.

Mucaaradka ayaa sheegaya in Dastuurka qabyada ah uu ka soo horjeeedo xoriyada asaasiga ee biniaadanka.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.