Ban Ki Moon oo ka digay qorshaha Israaiil

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 December, 2012, 03:02 GMT 06:02 SGA

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon, ayaa ka digay qorshaha Isaariil ee degaan cusub oo Yuhuuddu leedahay inuu dhibaato ku keeni karo heshiis nabadeed oo lala galo Falastiiniyiinta.

Israaiil waxay sheegtay inay qorsheyneyso inay ku darto deegaanka hadda jira saddex kun oo guri, isla markaana ay rajeyneyso inay dhisto mid cusub oo u xirmo doona degaanka hadda ku yaal Daanta Galbeed bariga magaalada Quddus.

Waxa ay ku dhawaaqday qorshooyinkan iyadoo uga jawaabeyso codkii dhawaan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ugu oggolaaday Falastiin inay xubin korjoogto ah ka noqoto Qaramada Midoobay.

Axaddii, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ka soo laabtay Qaramada Midoobay waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ramala ee Daanta Galbeed.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.