Madaxweyne Obama ayaa u digay Suuriya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 December, 2012, 03:08 GMT 06:08 SGA
President Obama

Madaxweyne Barack Obama

Adduunku isha ayuu ku hayaa, ayuu yiri madaxweyne Obama. Isticmaalka hubka kiimikada ah waxay tahay noqon doontaana mid aan gebi ahaanba la qabali karin. Haddii ay xukuumadda Suuriya samayso wax uu ku tilmaamay khalad masiibo ah oo ay adeegsato hubka kiimikada ah, cawaaqib ayaa ka dhalan doona.


Wax yar ayaa laga sheegayaa ifafaalooyinka ugu dambeeyay ee ka soo baxaya Suuriya, sarkaal aan la magacaabin oo Maraykan ah waxaa uu wargeyska New York Times u sheegay wax uu ugu yeeray suurta galnimo diyaargarin hubka kiimikada ah.


Aqalka Cad, afhayeenka madaxweynaha, Jay Carney, waxaa uu sheegay inuu jiro walaac isasootaraya oo ah inay dhici karto in xukuumadda Assad ay qaadato tallaabo naf la caarinimo ah oo ay isticmaasho hubkeeda kiimikada.

Afhayeenku ma uusan sheegin waxa Maraykanku ka yeeli doono haddii ay sidaasi dhacdo, isagoo yiri oo keliya waa muhiim in wax kasta loo diyaargar loo ahaado.


Xafiiska gaashaandhigga Maraykanka, Pentagon, afhayeen Mark Toner, waxaa uu qeexay meesha Maraykanku aanu oggolayn in la gaaro oo ah isticmaalka ama faafinta hubka kiimikada ah.


Magaalada Dimishiq, wasaaradda arrimaha dibadda ee Suuriya waxay sheegtay in xataa haddii ay haysan lahayd hubka kiimikada ah aanay sinnaba weligeed ugu adeegsateen shacabkeeda.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.