Qof ayaa u dhintay qaraxii Nairobi

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 December, 2012, 12:25 GMT 15:25 SGA

Qof ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa Nairobi

Hal qof ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray qaraxii xalay ka dhacay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.

Qaraxa xalay ayaa waxa ku dhaawacmay sideed qof.

Masuuliyiinta dalka Kenya ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in qaraxu ka dhashay miino dhulka la dhigay xaafadda California ee Eastleigh.

Lix ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa laga saaray isbitaalka magaalada Nairobi, waxaa ku haray hal qof oo qaba dhaawac culus.

Booliiska Kenya ayaa ku eedeeyay qaraxa inay ka dambeeyeen kooxda al-Shabaab.

al-Shabaab kama soo bixin wax war ah oo ku saabsan qaraxan u dambeeyay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.