Taangiyo ayaa la dhigay madaxtooyada Qaahira

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 December, 2012, 10:09 GMT 13:09 SGA

Ciidanka dalka Masar ayaa taangiyo dhigay xarunta madaxtooyada ee Qaahira

Ciidanka Masar ayaa taangiyo iyo baabuur hubeysan soo dhigay banaanka hore ee xarunta madaxtooyada kadib habeen iskudhacyo xun ay dhexmareen kooxaha ka soo horjeeda Madaxweyne Maxamed Moris iyo taageerayaashiisa.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay in ka badan afar boqol oo qofna waa ay ku dhaawacmeen dagaalka, laakiin wararkii ugu danbeeyay waxay sheegayaan in rabshaduhu hadda ay soo qababoon.

Rabshadaha ayaa bilowday Arbacadii markii taageerayaasha Madaxweynaha ay isku dayeen inay ka hortagaan oo ay joojiyaan kooxaha mucaaradka oo ku soo socday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Qaahira.

Kooxaha mucaaradka ayaa ku eedeeyay in Akhwaanul Muslimiinka ay iyagu bilaabeen rabshadaha.

Degenaansho la'aanta ayaa ku faaftay qeybo kale oo ka tirsan dalka, iyada oo la weeraray xafiisyada Akhwaanu Muslimiin ee ku yaal magaalooyinka Ismaaciiliya iyo Suweys.

Mucaaradku waxay sheegeen inay diyaar u yihiin in wadaxaajood ay la galaan Mr Morsi haddii uu ku dhawaaqo inuu ka laabto awoodda uu isa siiyay , isla markaana uu dib u dhigo aftida soo socota ee loo qaadayo dastuurka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.